sayid Daawo Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland oo Ka Hadlay Dagaal ka dhacay Luuq
WARARKA MAANTA

Daawo Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland oo Ka Hadlay Dagaal ka dhacay Luuq

egmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa saaka mar kale dagaal culus uu ka qarxay bartamaha magaalada, kaas oo dhexmaraya miliishiyo beeleedyo wada daga degmada. Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay xaaladda degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxuuna ku baaqay in dagaalka si dag daga loo Joojiyo .

LUUQ Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta markale ka dhacay degmada Luuq.Axad. Luulyo. 7. 2024 GEDOLAND
WARARKA MAANTA

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta markale ka dhacay degmada Luuq.Axad. Luulyo. 7. 2024 GEDOLAND

-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed maanta markale ka dhacay gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dega. Dagaalka maanta ka dhacay Luuq ayaa ah mid daba socda dagaal labadii maalmood ee lasoo dhaafay halkaas ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan labadaan maleeshiyo beeleed, waxaana lasoo wariyay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah ayaa ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay gudaha magaalada Luuq, hayeeshe wali lama xaqiijin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah. Dadka ku nool xaafadaha magaalada Luuq ayaa bilaabay iney ka barakacaan magaalada guryahooda sababo la xariira dagaalka ka socda gudaha magaaladaas oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka labada beelood ee dagaalka u dhaxeeyo iney taageero ka kala helayaan ciidanka dowladda ee ku sugnaa magaaladaas, taasina ay sii hurineyso inuu dagaalka daba dheeraado. GEDOLAND ONLINE

Madaxweyne Axmed Madoobe oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Jubaland
WARARKA MAANTA

Madaxweyne Axmed Madoobe oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Jubaland

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee deegaanada Jubbaland. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa daahfurka Imtaxaanka fasalka 8-aad oo Madaxweynahu uu ka daahfuray Dugsiga Hoose iyo dhexe ee Ganaane. Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sanadkan ayaa waxaa dhammaan deegaanada Jubaland ka galaya Arday gaaraysa 4,357 kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho GEDOLAND ONLINE