
Xildhibaan Ciid Masuul katirsan dowladda ayaa iigu hanjabay inuu madaxa iga tooganayo
Xildhibaan Ciid : Mas’uul katirsan dowladda ayaa iigu hanjabay inuu madaxa iga tooganayo read more…
Xildhibaan Ciid : Mas’uul katirsan dowladda ayaa iigu hanjabay inuu madaxa iga tooganayo read more…
Waxaa maanta magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud gaaray masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedka Galmudug oo uu hoggaaminaayo wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag. Wafdigaan isugu jira heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed ayaa tagistooda Caabudwaaq waxay la xariirta sidii ay u soo aruurin lahayeen hub dhawaan ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad hubeysan, kaasoo ka yimid dhanka Itoobiya. Wafdiga uu hoggaaminaayo Wasiir Fartaag ayaa lagu wadaa in halkaas kulamo kula qaataan waxgaradka deegaanka oo ay kala hadli doonaan xaaladda taagan iyo halista ka dhalan karta hubka la boobay ee gacanta u galay dadka shacabka ah. Deegaanka Shiil madow oo ka mid ah deegaanada hoostaga Caabudwaaq ayaa todobaadkaan gudahiisa waxaa ku dagaalamay ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida iyo Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo maleeshiyaad hubeysnaa oo boobay gaadiid Xamuulka ahaa oo ay ku rarnaayeen hubka faraha badan ee kala duwanaa, waxaana dagaalkaas ku dhintay tobaneeyo ruux oo labada dhinac ah. Ugu dambeyntii hubkaan ayaa la sheegay inuu u rarnaa ganacsto, waxaana gacanta ku dhigay maleeshiyaad hubeysan oo ku boobay gaadiidkii hubka siday read more…
Ugaaska Beesha Mareexaan oo dowlada iyo Galamudug ku eedeeyey Dhacdadii Caabudwaaq read more…
Maamulka Galmudug ayaa sheegay hubkii maalmo ka hor gacanta u galay ciidamo maleyshiyo beeleed oo kasoo jeeda Cabudwaaq, inuu ahaa hub sharci darro ah oo loo waday in loogu adeego danahada kooxda Alshabaab, iyo iska horkeenidda shacabka. War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay inuu maamulku tallaabo ka qaadi doono cid walba oo ku lug lahayd hubkaas in lasoo galiyo gudaha deegaanada Galmudug. “Dawlada Galmudug waxay si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqa hubka laga soo tahriibiyey dhanka Itoobiya ee ku aaddan Waqooyiga Galgaduud. Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay ayaa isku dayey in ay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darrida uu hubkaasi abuuri karo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Galmudug. Galmudug marnaba masoo hadal qaadin in ay doonayso in hubkaas lagasoo celiyo gacanta shacabka. Waxayse sheegtay in ay ku guda jirtaa sidii caddaaladda loo hor keeni lahaa dadkii ka dambeeyay hubkaas in lasoo galiyo degaanadeeda. GEDOLAND -ONLINE
Security guards clash with militias in deadly battle over arms shipment in central Somalia read more…
WAR BIXIN CUSUBDowladda Soomaaliya oo sheegtay in ciidamadeeda laga furtay hub sharci darro ah oo gacanta kusoo dhigeen read more…
Ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyooday markii Labo gaari oo xamuul ah oo siday hub ka yimid dalka Ethiiopia ay ku dagaalameen ciidamo ilaalo ka ahaa hubkaas, iyo maleyshiyaad kasoo jeeda degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Maleyshiyaadka deegaanka ayaa la xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen guud ahaan hubkaas oo isugu jiray nuucyo kala duwan. Wasiir ku xigeenka amniga Galmudug, Cali Xaashi Cabdullaahi oo la hadlay BBC Soomaali, ayaa u sheegay in baabuurta hubka sidday markii hore lagu sheegay inay sideen anteenooyinka isgaarsiinta, balse wuxuu sheegay in mar dambe uu yimid tuhun, kaasoo keenay in malayshiyaadka degaanku ay jid gooyo ugu dhigtaan deegaanka Shiilo Madow, halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay ilaalada hubka iyo maleyshiyaadka. Wasiir ku xigeenka amnigu wuxuu sheegay inay wadaan baaritaan ku saabsan hubkaan cidda iska leh iyo sababta loosoo galiyay Galmudug. Wuxuu sheegay inay walaac aad u weyn ka qabaan hubka gacanta u galay dadka shacabka ah. Isagoo tilmamay inuu qeyb ka qaadan karo colaadda gobolka. Cali Baashi wuxuu sheegay in aysan xaqiijin karin in read more…
Madaxweynahii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump oo toogasho lagu dhaawacay read more…
Kenyan president dismisses all ministers after weeks of protests over taxation and poor governance read more…
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose read more…
All Rights Reserved Copyright. © 2025. www.Gedoland.com