Faahfaahino kasoo baxaya Hoobiyaal lagu garaacay qeybo ka mid magaalada Muqdisho
WARARKA MAANTA

Faahfaahino kasoo baxaya Hoobiyaal lagu garaacay qeybo ka mid magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyaal ah oo aroornimadii hore ee saakay lagu garaacay qeybo ka mid degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Hoobiyaasha oo gaarayay tiro ahaan ilaa afar hoobiye ayaa lasoo wariyay iney ku dhaceen  guryo ku yaala xaafada Ceel qalow ee degmada Wadajir. Qof goobjooge ah oo hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hoobiyaasha mid ka md ah uu ku dhacay guri shacab ah, islamarkaana uu dhaawac kasoo gaarayay hal ruux. Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmadaas ayaa gaaray xaafada Ceelqalow, gaar ahaan meelaha ay ku dhaceen afarta hoobiye,mana jirto wax faahfaahin ah oo ay bixiyeen laamaha amaanka degmadaas oo ku aadan khasaaraha ka dhashay hoobiyaasha. Dhawaqa madaafiicdaan oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya, iyadoo amaanka guud ee magaalada Caasimadda ah uu ahaa maalmahii lasoo dhaafay mid degan.

2024826638602537282731282 Madaxweyne Biixi oo sheegay in go'aamada dowlada Soomaaliya anay waxba yeeli doonin Somaliland
WARARKA MAANTA

Madaxweyne Biixi oo sheegay in go’aamada dowlada Soomaaliya anay waxba yeeli doonin Somaliland

Biixi oo hadal ka jeediyay munaasibad loo sameeyay furitaanka xabsi labaad oo ay yeelanayso magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in go’aanka xawaaladaha lagaga joojinayo isticmaalka magaca ‘Somaliland’ aanu socon doonin.

“Talo xumada kowaad waxa weeyi madaxweynaha Xamar joogaa, isaga oo Xamar aan gurigiisa ka xukumin, oo meel walba ajinabi u ilaalinayaan, ayuu waxa uu meel walba soo saaraya waraaqo uu leeyahay Somaliland diyaaradi ma tagi karto, baananku ma tagi karaan, naftii hafar gurigiisa ma ilaalin karo” ayuu yidhi Biixi.

Waxa uu sheegay in go’aanka dowlada Soomaaliya aanu ahayn colaad ka timid dadka shacabka ah, lakiin ay tahay colaad ka timid koox uu sheegay in ay jar ka tuurayan Soomaaliya, waxa uuna intaa ku daray in anay waxba ka qaadi karin Somaliland.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay soo dhawaynayso oo ay la shaqaynayso shirkad kasta iyo dowlad kasta oo sharcigeeda kula shaqaysa, isla markaana ay iska difaacayaan cidkasta oo khatar galisa.

Somaliland ayaa aad uga soo horjeedsatay go’aanka ay dowlada Soomaaliya ku doonayso in ay xawaaladuhu ku joojiyaan isticmaalka magaca ‘Somaliland’. read more…