2024910638615311896940717 Ciidamada Itoobiya oo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo culus ka wada gobolka Gedo
WARARKA MAANTA

Ciidamada Itoobiya oo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo culus ka wada gobolka Gedo

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii warar soo baxaya ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in kumanaan askari oo ka socda Masar la geeyo gobolada Soomaaliya ee xaduudaha laleh Itoobiya.

Dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inay kor u qaadeen xiisadda gobolka Gedo, iyadoo ciidamada Itoobiya ay haatan kalsooni ka haystaan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaas oo horey si cad uga soo horjeestay in ciidamada Itoobiya laga saaro deegaanadooda.

Maamuladan ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay kaalinta mugleh ka qaadanayaan dagaalka kooxda Alshabaab.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo kasoo jeeda gobolka Gedo, ayaa mar sii horraysay sheegay in bixitaanka ciidamada Itoobiya uu u noqon doono faa’iido weyn kooxda Alshabaab. read more…