
waa qeyb ka mid ah tariikhda soo jireenka ah ee gobolka Gedo ee Somalia
Taariikhda Gobalka Gedo oo Kooban
Gobolka Gedo ee Soomaaliya
Caasimada Garbahaarey
Weyninka 60 389 km²
Shacabka {{{population}}}({{{population 2.8 million}}})
isku dhawaan 9,55 inh./km²
Gobolka Gedo wuxuu dhacaa koonfur galbeed ee wadanka Soomaaliya. Magac ahaan Gobolka Gedo waxaa uu jiray tan iyo intii magaca Soomaali uu jiray. Qarni ka hor waxaa ku gabyayay abwaankii caanka ahaa ee Sharmaarke Cilmi, isaga oo yiri, “Gabowgeygii iyo Gedaa kulmay.” oo uu ula jeeday hayaankii Galtida ee bartamihii 1880yadii iyo nimcada iyo nabadda ay kala kulmeen Gobolka Gedo oo aheeyd dhul uu maamul ka jiray berigaa, oo xukumi jiray Garaadmaadow Wiil kamid ah wiilashiisa mareey soo carareen Mareexaan Qaasatan Reer xasan oo Col iyo Abaar soo barakicisay ayuu u yimid Garaadka oo ahaa Boqorkii Xukumi jiray Dhulka oo loo yaqaan Gedo. Markaas ayuu ka dalbadeen Nabad gelyo iyo ineey soo degaan Dhulka Markaas ayaa Garaadka Wuxuu shiriyay Beelaha degi jiray Gedo oo dhan, Wuxuuna u sheegay waxa soo barakiciyay ineey yihiin Col iyo Abaar, markaas eeyna yihiin dad Muslimiin ah oo somali ah oona walaala ay yihiin. Qaar ayaa diiday in lasoo dejiyo qaarna wey ka Aamuseen. Markaas Garaadka Wuxuu Go’aan ku Gaaray inuu soo dejiyo oo ay ku wada noolaadaan Nabad iyo Walaaltinimo tirada dadka waxaa lagu qiyaasaa in gedo ku nooshahay 1.200,000 dadka ku nool gedo waxaa ay u badan yihiin xoolo dhaqato reer miyi ah
Qoraalka gudaha oo kooban
• 1 Taariikh
• 2 Gobolnimadii iyo Degmooyinka Gedo
• 3 Ganacsiga Degmooyinka Gedo
• 4 Waxbarashada
• 5 Degmooyinka gobolka gedo
Taariikh Gobalka Gedo
Gedo waxay ku jirtay deegaano Soomaaliyeed oo nooc walba oo gumeysi ah la dagaalantay; Gaalo Madow ilaa gumeystihii reer Yurub.
Xiligii u tartanka Afrika ee reer Yurub ay ku boobeen khayraadka dhulka, badda iyo muruqa dadka rer Afrika, dhulka Gedo waxaa ka dhacay dagaalo caan ah. Gaalo Madow ayaa waxaa ku kacay xoogag reer Gedo ah oo ka dhiidhiyay awoodii ay ku maquunin jireen dadka iyagu arxanka aan lahayn ee Gaalo Madow. Abaanduulayaal caan ah ayaa ciidamo isku duwday kuwaas oo berigii dambe Geelayda geiyga ay meerin jireen, “Waxay cuntiyo, ceel ay ka cabto ma waynine, Cabdille Gaab, Sheekh Cali iyo Ciyaa u jooga.” Baardheere ilaa Baraawe ayaa ciidamo laga abaabulay kuwaas oo wiiqay awoodii gaalo madow ilaa lagu eryay xaduudaha Kiinya iyo Itoobiya. Gobolka gedo mareexaan waxa uga badan beelaha digil iyo mirifleh
Gobolnimadii iyo Degmooyinka Gedo
Maamulkii gumeysiga iyo dowladihii dhexe ee Soomaaliya badadiyaa iskuma mashquulin maamul hoosaadka ummada Soomaaliyeed. Talyaani iyo Ingiriis mar walba danta ay ka lahaayeen Soomaaliya ayay fushanayeen markii la iska rogay reeryada gumeysi, dowladihii noo dhashay habkii gumeysiga ayay sii daadihiyeen. Dowladdii hore ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre gobalka Gedo wuxuu ahaa todobo dagmo.
Gedo waa gobolka kelliya ee Soomaaliya ku yaal ee ey maraan laba webi Sida degmooyinka Beledxaawo iyo Dooloow waxaa mara wabiga Daawo, halka degmooyinka Luuq, Buurdhuubo iyo Baardheere uu Maro webiga Jubba, Degmada Luuq waa meel Jasiirad oo kale ah oo biyo ku hareereysan yihiin waxaana laga galaa Buundo aad u weyn oo ey dhistey Dowladii Hore ee Soomaaliya waana meelaha Soomaaliya ugu Barwaaqada badan oo sanadka oo idil dhirteedu ey cagaaran tahey,degmada Luuq waa halka uu ka bilowdo wabiga Jubba waxaana uu ka semysaa isku darka Sadexda webi ee Ganaane, Daawo,iyo weyb ee ka kala yimaada dalalka Kenya iyo Ethiopia waxaa kaloo jirta iyana il biyo leh oo u dhow degmada oo qeyb weyn ka qaadata biyaha webiga Jubba. dhamaan degmooyinka Gobolka intiisa badan waxaa degan beesha Mareexaan. Qaar ka mid ah tuulooyinka Degmooyinka Luuq waxaa wax ka dega Beelaha Raxanweyn iyo Dir,daaqa iyo Qeyraadka gobolka waa mid loo wada siman yahey. Beesha Cowlyahan ee Ogaadeen ayaa degto Degmada Baardheere kana mid aha beelihi ka qeyb galay jihaadki Baardheere beesha waxay dagaal la gashay xukunkii siyaad bare badankoodna ka qaxeen dagaladas loo adeeg sanaha yey Cidamadii Dawladda iyo jabhado beesha mareexaan oo dowladi marka ka haystay Tageero badan. mareexaan waxa uu soo degey gobolka gedo mudooyinkii xukunkii milateriga oo dadka mareexaanka ka soo raray gobolka galguduud iyo ismaamulka somalida itoobiya
Ganacsiga Degmooyinka Gedo]
Nolosha dhaqandhaqaale ee gobolka Gedo wuxuu ku salaysanyahay lafdhabarna ah xoolaha nool iyo waxsoosaarka beeraha.
Gedo waa gobol ka mid ah Gobolada Soomaaliyeed ee hodanka u ah beeraha, xoolaha nool. Waxaa intaas goblka Gedo u dheer isaga oo dhaca xaduudo in ganacsiga u kala goosha wadamada uu xarun dhexe u hayay. MagaalooyinkaBaardheere, Luuq iyo Balad Xaawo ayaa ugu dhaqdhaqaaq badan.
Waxbarashada
Gobolka Gedo waxaa ka dhisan nidaamyo waxbarasho walow aysan jirin dalad midaysa iyo Gudoon Waxbarasho oo heer degmo ama gobol ah.
Magaalooyin madaxda degmooyinka Gobolka Gedo sida Beled-xaawo, Baardheere, Garbahaarreey, Luuq iyo Buurdhuubo waxaa ka jira dugsiyo waxbarasho oo leh heerar kala duwan. Magaalada Baardheere waxaa ku yaal Jaamacada Gedo iyo Kulyada Farsamada Baardheere ee Bardera Polytechnic.
Ururo waxbarasho oo dadaal muuqda ka wada gobolka ayaa waxay maamulaan iskuulo leh heer hoose/dhexe ilaa sare. Waxaa ururadaas ka mid ah HIRDA, SEHO, G.E.D.O, iyo Markaleey Foundation.
Degmooyinka gobolka gedo
Waa sideed dagmo
• 1Beled Xaawo
• 2 Luuq ganaane
• 3 Doolow
• 4 baardheere
• 5 garbaharay
• 6 Ceel Waaq
• 7 Dhamaso
• 8 Ceelcade
Gobolkan waxaa magalo madax u ahayd baardheere kacaanki barakeysna ayaa caasimadi baardheere u badalay Magaalada garbaharay qabiilada gobolka dago waxaa oogu badan Mareexaan waxaa kaloo dhinac yar kadega beelaha digil iyo mirifle, cawlyahan oo ogaadeena