
Soomaaliya oo Aqbashay Heshiiskii Abi Axmed iyo Wafti u dhoofay Turkiga

Maraykanka iyo Kenya ayaa dowlada Soomaaliya
culuys ku saaray inay aqbalaan heshiiskii
Muuse Bixii iyo Abi Axmed ku dhexmaray
Adis Ababa iyadoo qodobada heshiiskaas
wax laga badalayo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayo
ayaa maanta u ambabaxay Ankara, Turkiga, halkaas oo ay uga
qeybgalayaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya
iyo Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu yiru”
Dowladda Soomaaliya waxay ku taagantahay mabda’eeda ah ilaalinta
madaxbanaanida, gobonnimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.