
Weeraryahanka Manchester City Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu maankiisa bedelay oo uusan ku biiri doonon Real Madrid.
Tan iyo markii uu Mbappe caga dhigtay Real, Haaland ayaa ka jeesan doona Real Madrid, taa bedelkeedana wuxuu doorbidaya kooxda Barcelona inay noqoto meesha xigta ee aadi doono.
Erling Haaland ayaa waqti qurux badan ku qaadanaya Man city Waxa uu halkaas ku sugan yahay muddo laba sano ah, waxaana uu haystaa saddex sano kale oo uga hadhay heshiiskiisa.

City ayaa ku faanaysa in kooxdooda uu ku jiro mid ka mid ah weeraryahannada ugu fiican adduunka.Xiddiga reer Norway ayaa dhaliyay 90 gool iyo 15 caawin 98 kulan oo uu u saftay Citizens.
Laakin markuu dhamaado heshiiskiisa shaki kuma jiro inuu yeelan doono xulashooyin, qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn yurub.
Real Madrid ayaa muddo dheer u muuqatay meel uu ku biiri karo, Laakin hadda waxay u muuqataa in u dhaqaaqistii Mbappe ee kooxda reer Spain ay ka dhigtay in Haaland uu ka doorbido Barcelona.xaaladda dhaqaale ee Barcelona ayaa ah weli mid xun, u dhaqaaqistiisana waxay u muuqata mid aan suurtagal ahayn.
Barca wali ma samayn saxiix weyn xagaagan, wayna ku dhibtoon doonaan inay sidaas sameeyaan.