Madaxweyne Axmed Madoobe oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Jubaland

Madaxweyne Axmed Madoobe oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Jubaland

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee deegaanada Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa daahfurka Imtaxaanka fasalka 8-aad oo Madaxweynahu uu ka daahfuray Dugsiga Hoose iyo dhexe ee Ganaane.

madoobe 1 Madaxweyne Axmed Madoobe oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Jubaland

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sanadkan ayaa waxaa dhammaan deegaanada Jubaland ka galaya Arday gaaraysa 4,357 kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho

madoobe 2 1 Madaxweyne Axmed Madoobe oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Jubaland

ASXAABTADA LA WADAAG