HOWRAARSAME AMANREER MAXEY KU DILEEN BOQOR MAXAMED DA,UUD.

DILKII BOQOR MAXAMED DAUUD, EE BEESHA HOWRARSAME AMANREER
DILKII BOQOR MAXAMED DAUUD, EE BEESHA HOWRARSAME AMANREER

HOWRARSAME AMANREER IYO DILKII BOQOR MAXAMED DAUUD

Hadii xukun ama darajo timaado wey adagtahay, in la isku tanaasula, waayo waxaa isku tanaasuli lahaa, Qaabiil iyo Haabiil oo marka laba qof oo walaalo ahaa, waana caadada basharka, in qof kaste asaga isla jeclaado darajada ama xukunka.

Mudda laga jooga ilaa 400 ama 350 sano ka hor ama markii uu sanadka aha 1600, ama1700 inta u dhaxeyso waqti laga jooga. Waxaa la soo wariya tariikha kala duwan ee ku hareereysan dilka Boqor Maxamed Dauud, iyo in aay uu dilka u dhacay siyaabo kala duwan, lakiin dadka uruuriya tariikahaha Somaliyeed waxaa laga soo wariyaya in uu ku dhintal Boqor Maxamed Dauud hardan boqornimo iyo ku loolan awood qabasha xukun ee Saldandii Darood, iyadoo la soo wariyay mararka qaar in uu ahaa boqor Darood, lakiin la gaaray xiligii uu qaban laha ilmo Cali Amaanrer ama Howrarsame Amanrer, lakiin ay isku dayeen ilmo Raadamiir in aay sii dheereystan xukunka ama qof kale oo ayaga kamid ahaa ku wareejiyaan, arintaas oo uu aad uga caroodeen ama diiden beesha Howrarsame Amanreer, oo xaq u laha in aay qabtaan boqornimda Saldana Darood. intaa kadib maxaa dhacay.

BOQOR MAXAMED DAUUD, IYO DILKII, BEESHA HOWRAARSAME AMANRER
BOQOR MAXAMED DAUUD, IYO DILKII, BEESHA HOWRAARSAME AMANRER

Marka kadib, waxaa bilaabatay in laga dhex faa,iideysto labadan beelood ee walaalaha ah, oo hadana ku heshiin waayay, qabashada Boqornimada Daarood. Waxaana sitoos ah usoo fara galiyay beelaha kale, sida Harti ama Majeerteen oo marka ahaa cida ku xigta, ee la wareegi laheyd Boqornimada. Markii aay kasoo wareegto Saldanada ilmo Amaanreer. Lakiin waxay halka ka heleen fursad ah in xilga, aay kala wareegi karaan ilmo Amaanreer madaama aay ku heshiin la,yihiin, in aay kala wareegan Saldanada.

HOWRAARSAME AMANREER MAXEY KU DILEEN BOQOR MAXAMED DA,UUD.

Waxayna qeyb ahaan kala safteen beesha Radamiir Amaanreer, in aay noqdaan Boqorka oo aay markaas u sharaxna hogaamiye Maxamed Dauud, oo ahaa suldaanka ama boqorka beesha Radamiir. Beesh howraarsame Amaanreer ayagana waxay ku caano shubeen suldaankoodii ay jeclaayen oo la oran jiray suldaan maxamed suldaan Amiir Garsuga, in uu noqda Boqorka Saldanada Darood. khilaafkii oo sii kordhay, iyo in markaas lagu kala caano shubtay, laba Boqor ayey beel kasta waxay bilaawday, in ciidamo aay kala sameystaan boqorkoodi aay ku caano shubtaan. Boqorkastana uu halkaa ka bilaabo xukunkii Saldanada Daarood. Tariikda sida aay xusto,

marka beesha Mareexan waxey ku baah sanaayen Bali, Nugaal illa dowlad deeganka Somalida halka loo yaqaano maanta. Waxaana sitoos ah u bilowday dagaalo fool ka fool ah oo labadan Beelood isaga soo horjeedan. Waxaa la sheegay in inka badan 10 dagaal oo aad u balaarna iskaga hor yimaaden, lakiin waxaa tariikhda galay, ama la xusa dagaalki uu ku geeriyooday hogaamiye ama boqor Maxamed Daauud, oo ahaa hogaamiyihii Beesha Raadamiiir Amaanreer. Dagaalka oo ka dhacay nugaal bari xiliga ayaa waxaa uu kusii fiday ilaa halka maanta loo yaqaan mudug.

Waxaana la sheega xasuuqi ugu badna ee qarnigaas in u dhacay xiligaa, madaama dagaal culus uu ahaa. Waxaana lagu dilay eebe ha u naxariiste hogaamiye ama boqor Maxmed Dauud ee beesha Radamiir amaanreer oo, aay aad u jeclaayen reer Raadamiir Amaanreer. Dilkaas iyo xasuuqaas foosha xuma, ee qarnigaa dhacay, waxaa la sheegay, in beesha Mareexan ku kala fogaaden oo aay ku kala tageen, oo qolaba meel u haajirtay. Waana xiligii ugu danbeysay, ee la xuso in midnimo Mareexan iyo in beesha Sade Darood wada yeelato, hadii aay noqon laheyd hogaan dhaqan, ama gole guurti. Marxuumki hogaamiye maxamed Daauud waxaa xiligaa lagu aasay. Bangeele ee dhaca gobolka Galgaduud.

QASRI HOWRAARSAME AMANREER MAXEY KU DILEEN BOQOR MAXAMED DA,UUD.

Madaama besha howraarsame Amaanreer lagu eedeyay in aay dileen dad badan ama xasuuq, oo uu ku dhintay, hogaamiye ama boqor Radamiir-na dileen, iyo in ka badan ilaa 1800 oo dad ahaa, ay ku dhinteen. waxey soo jeediyeen, in magdhow bixiso beesha Howraarsame Amaanreer. Madaama dhib badan dhacay. Soojeedinta waxaa soo jeediyaya beelaha kale ee Daarood. Haba ugu cad cadaadeena beelaha Harti ama Majeerteen.

Beesha saldanada howraarsame Amaanreer qeyb ahaan wey ogolaatay. in magta ama xuquuda lagu xukumay bixiyaan, lakiin waxay shuruud kaga dhigeen, in aay noqdaan ama qaatan Boqornimada Saldanada Daarod, balse Beesha Harti ama Majeerteen ayaa halka fursad ka raadisay, in aay qaadato Boqirnimada ayaa, soo jeedisay, in ilmo Amaanreer aysan noqon karin Boqor Darood, madaama aay dhiig ku daadiyeen oo aaysan noqon karin Boqorka Saladana Darood. Intaa kadib beesha howraarsame xukunkii lagu riday wey diiday, madaama la fulin waayay shurudihi, aay ku xireen, oo aheyd in wixii mag ah ee lagu xukumay bixiyaan, lakiin Boqornimadii qatan. Halkaas ayuuna ku bur buray shirkii guud ee dhex dhexaadinta, Inta kadib maxaa dhacay.

boqor maxamed dauud HOWRAARSAME AMANREER MAXEY KU DILEEN BOQOR MAXAMED DA,UUD.

Beesha Hawraarsame Amanrer kibir ama awood sheegasho, waxay ahaydba waa aay diidday in aay bixisa magtii lagu xukumay ee Boqor Maxamed Daa’uud, kadib, halkii baa xukuno kale duwan lagu riday beesha howraarsame Amanrer. waxaana la sheega in aay gaarayeen ilaa 10. xukun oo kala culus. xukunka lagu riday waxaa ugu cusla in la dhaco beesha Howraarsame Amaanrer gu,giiba mar ilaa mudo 11 iyo toban jeer ah, oo laga dhaco wixii xoolo ama geel ah oo aay hasytaan. 2. in laga ilaaliyo in aay yeeshan wax awood ah ama quwad ciidan ah. 3. in laga ilaaliyo in aay helaan wax darajo ah ama xukun qabtaan. 4. in aan lala guurin oo macnaheedu tahay in hadii uu cadow kale soo weeraro aan loo gurman.

5. in aan loo guurin, oo macanaheedu tahy in aan lala dagin waana qeyb kamid ah cuna qabateyn ama takoorid. 6. madaama beesha Howraarsame Amanreer degaano badan degto in deeganada qaar lagala wareego. 6. daas qodob ayaa aad ugu cusla xukunada lagu riday beesha Howraarsame Amanrer. waxaana la soo wariaya in muda 7-jeer ah la dhacay beesha waana sababta aay ugu soo hayaanmeen gobolada dhexe oo aay ugu soo guuren gobolka Gedo oo aay marka ku noolayen gaalo madowdii xiliga jirtay.

Xukunadas dadka riday ee doorka weyn kulaha ama soo jeediyay waxaa kamid ahaa Harti gaar ahaan beesha Majeerteen ayagoo doonayay in aay hoos u dhigaan awooda muuqatay ee ay markaas laheyd beesha Fardooleyda Howrarsame Amanreer. inta kadib Saldanadiina labadaba waa laga dhex qaatay, tan iyo maantana dib uma soo ceshan. Inkastoo xukunka ama go,aankaas lagu riday beesha Howararsame Amanrer la isku khilaafay. Haddana ugu dambeyn waa la isla qaatay, marka laga reebo beelo kamid ah beelaha Mareexaan sade, oo si dadban u diiday xukunkaas.

waxaana beelahaas ay kala ahaayeen qaar kamid ah jifooyin Raadamiir ah, oo ah sida beesha Soonfure, Fiqiyacquub, iyo sidoo kale guud ahaan beelaha kale ee Mareexaan. Kuwaa oo kala ah Xasan Gaashireedle, Talxe Amaanrer iyo beesha awmidig. Sidoo kale beesha Facaye Sade oo Ina Sade aha baa guud ahaan aqbalin go,aankaas. Inkastoo Wagardhac u ahaa wiil naas la nuugay Hawraarsame Amanrer, oo la hooyo iyo la aabbe ahaa, haddana go’aanka beesha Majeerteen ay keentay wey ku kala qeybsameen iyaga iyo Celi Warwaajecel ayeyna ahaayeen labadii beelood ee aad ugu kala qeybsamey, madaama qaar ku raacen qaarka kalena diidanayeen.

intaa kadib beesha Howrarsame Amanreer waxay noqotay beel cadow badan yeelaty iyo naceyb kala duwan, iyagoo u kala guuray ama ukala hayaamay meelo badan oo kala duwan, waxaa lasoo wariaya qeybo kamid ah beesha in aay u hayaameen dhinaca iyo Ethiopia ilaa meesha maata loo yaqaano Bali, oo la sheego in aay u hayaameen beesha Howraasame Amanreer. waxaa jiray nin Sudaan ahaa oo ka talin jiray Bali ilaa Nugaal oo la oran jiray suldaan Sacaadu diin, oo xukumi jiray Bali ilaa Nugaal, in uu kasoo jeeday beesha boqortooyada Adan Saleeban, gaar ahaan in uu ahaa Baha Farax.

Waqtigaas oo cududdii Mareexaan ay daciiftay, baa reer Gashiishoor oo ah ina Hodanbari aha ka hayaamay deegaankii Sade Darood, wuxuuna u qaxay dhankaas iyo waqooyiga Sudan ilaa Eritrea, oo umadahaas ayuu ku dhex milmay. Dadka dhulkaas kunool ayaad ku arkaysaa ummada ku leh usuul Daarood baan nahay oo kasoo qaxay Waqooyi Bari Somalia. Sidaas si lamid ah Facaye Sade oo Mareexaan la siman hanti geel ahna uu Ilaahay ku mannaystay baa hayaamay, oo ka dhex baxay Mareexaan Sade iyo dagaaladii ka dhex bilowday owgii.

waxaa kaloo maanta jiro beelo ku aftirsado beelaha mareexan oo Ethiopa iyo Eretria ku nool kuwaa ilaa maanta ku arkeysid magacyada qabiilada beesha Mareexan Sade. waxaan kamid ah Amararhttps://en.wikipedia.org/wiki/Amarar_tribe 

Waxaa la soo wariyay in gabayo iyo suugaan lagu cabiri jiray wixii dhacdo ah ama colaad ah oo xiliyadii hore dhici jiray, waxaana dilka boqor maxamed dauud laga tiriyay gabay calaal ahaa iyo goodin isugu jiray xiliga oo xilga loo tiriyay Beesha Howraarsame Amanreer oo lagu muujinaya, dhibkii iyo xasuuqii aay xiligaas geysatay beesha Howraarsame Amaanreer, iyo magtii aay diideen ee lagu xukumay ee hogamiyihii aay jeclaayen beesha Radamiir, ama boqor Maxemed Daud laga tiriyay,

AYAA USOO JAWAABAY BEESHA RADAMIIR, IYO GABAYGII AAY KA SOO TIRIYEEN DILKII AAY HOWRAARSAME AMANREER DILEEN BOQOR MAXAMED DA,UUD. WUXUUNA YIRI.

GEDOLAND ONLINE

ASXAABTADA LA WADAAG