

Taariikhdu waxay xustaa maaddaama Gasaarguduhu uu lahaa saldanad aad u wayn oo xarunna u ahayd degmada Luuq in Hawraarsame ay isfahan kuwada degeen gobolka oo markii hore dagaallo ba’an uu ku dhex mari jiray Booranta iyo Gasaarguduha.
Waxaa la sheegay markii hayaankii beelaha kale ee Mareexaan uu yimid in Gasaarguduhu u baqay saldanadiisii oo markaas ku aruursanayd magaalada Luuq Ganana oo keliya, wuxuuna kula taliyey Howraarsame Amaanreer inaan lasoo dhawayn raggan bariga ka yimid. Hawraarsamaha oo Ilaahay uu u hibeeyey dhiig iyo damqasho walaaleed wuxuu weerar ku qaaday saldanadii Gasaarguduha, kana eryay degmadii Luuq.
Wuxuu Hawraarsame aad usoo dhaweeyey beelihii walaaladii ee hayaanka ku yimid. ama kudhaw lagu qayaasay markii laga jooga hayaankaas, baa waxaa yimid hayaankii beesha Cali Dheere, Hawraarsamuhuna isagoo ka duulaya wanaaga odaygii beesha Cali Dheere, kana abaalgudaya wuxuu kusoo dhaweeyey deegaankii, welibana isku deegaan bay noqdeen isagoo Amaanreernimo udugsanayay. Tan iyo maantadan aan joogno, aabbaha Hawraarsamuhu wuxuu wiilkiisa baraa labo shey oo aad muhiim ugu ah shakhsiyadda Hawraarsamaha.
Waana deeqsinimada iyo geesinimada. Hawraarsamahu waa beel aad u ballaadhan, degtana gobolada Gedo, labada Juba iyo Galgaduud. Haddii ay tahay difaaca beesha Mareexaan, haddii ay tahay samafal iyo haddii ay tahay qaddiyad Mareexaan oo loo dhinta, intaba Hawraarsame wuxuu ahaa hormuudka Sade Daarood. Tani waa taariikh yar oo ku saabsan Saldanadii Hawraarsame Amaanreer iyo hayaankiisii Gedo iyo weliba sida uu ku baxay magaciisa.
XIGASHO: TARIIKHDA SALDANADA DAROOD.
QORE: ABWAAN MURSAL