beesha howrarsame

Howraarsame magaciisa wuxuu ahaa ==Cali Amaanreer== Waxaa la walaalo ah. Maxamed Amaanreer ama Wagardhac Amaanreer, Talxe Amaanreer, iyo Raadmiir Amaanreer. waxaana saddexda ka mid ah la isku dhahaa Bah Cilaamo. Magaca Howraasame oo ah naynaas aad u qurxoon, tilmaanna ka bixinaysa shakhsiyaddii Cali Amaanreer, waxaa loogu bixiyey hadal samidiisii iyo deeqsinimadiisii.

Hawraarsame waxaa ahaa curad kuxigeenkii Cillaamo Carbeed iyo ilmo Amaanreer Isaaq. Waxaa ka waynaa Wagardhac, waxaana ka yaraa Talxe. Sidoo kale waxaa kasii yaraa Raadamiir oo hooyo gaar ahaa uguna yaraa afarta ilma Amaanreer Isaaq.

Taariikhdu waxay xustaa Howraarsame inuu ahaa wiilka uu ugu jeclaa Amaanreer Isaaq wiilashiisa afarta ah. Markasta oo uu u yeeraba wuxuu ahaa mid u dhega nugul aabahiis, marwalbana ka ag dhaw. Middaas ayaa keentay inuu awlaaddiisa kale ka jeclaada, looguna bixiya hadal wanaaggiisa, iyo gacan furnaantiisa magaca Howraarsame. Hawraar macnaheedu waa hadal, same-na waa wanaagsane. Hadal-wanaagsane. Waa magac aad u qurxoon oo tilmaamaya gobnimada afsamida

Cali Amaanreer. Ilaa maanta duriyadiisii ayaa magacaas loo yaqaan. Beesha Howraarsame waxay degtaa dhul aad uwayn, waxayna kamid tahay beelaha ugu dhulka wayn Somalida. Waxay degtaa in ka badan 4 Gobol oo ka mid ah Jubaland iyo Galmudug, iyo qeybo kamid ah Dowlad deeganka Somalida, sidoo kale Waxay ka degaan magaalooyinka Baladxaawo, Luuq Ganane. Baardheere. Ceelwaaq. iyo Doolow.

Waxay sidoo kale degaan tuulooyinka camirmay ee caanka ah, sida Farjanno, Farwaaleey, Malmalleey, Bartiileey, Wariiryaale, Tuulo-Jibriil, Laan-abeer, Nusdariiqa, Carracase, Banaaneey iwm. Sidoo kale beeshan waxay degtaa Gobolka Galgaduud oo ay ka degtaa degmada Caabudwaq, Balanbale iyo Dhabad, sidoo kale qaybo kamid ah Gobolka Nugaal. Waa beesha ugu dhulka ballaaran beelaha Mareexaan sidoo kale waa beesha labaad ama kobaad ee ugu tirada badan beelahaha kale ee Mareexaan.

image 10 beesha howrarsame

Haddaba magacaas wayn iyo muunaddaas waxay ku dhaxleen, boqortooyadii Daarood, oo marba reer ku wareegan jirtay aanse ka dhex bixin Darood. Sida ay tariikhdu xuseysa, boqolaal sano ka hor ayaa waxaa la soo wariya in Saldanadii Darood usoo wareegtay, in aay qabtaan talada Mareexan Sade oo marka u sharxna ilmo Amaanreer, ama Saldanadii la oran jiray, Saldanadii ilmo amaanreer.

Waa sida biniadamka caadadiisa aheyd, ee waxaa ku hardamay qabashada Saldanada labo kamid ah ilmo Amaanreer oo kale ah. Howraarsame Amaanreer, iyo Radamiir Amaanreer. Labadaan beelood, ayaa waxay soo kala sharaxdeen labo musharax, oo marka u sharaxna in aay qabtaan talada Saldanada Darood. Nasiib daro se waxay bilaabatay, markii la isku tanaasuli waayay, oo labada beelood ka dhexbilaabatay khilaf,

iyo isu awood sheegasho. Tariikhda waxay xusta in la isku dayay in la dhex galo labadan beelood, ee isku khilaaftay, cidii hogaanka Saldanada Darood qaban laheyd. Iyadoo marka la sheego, in xita beelaha kale ee Darood, ama Mareexanka lakala safteen, labadan beelood, ee isku haysato hogaanka Saldanada.

Waxaa la isku dayay, in la xaliyo khilaafka labadaan beelood oo walaalaha ah, ama isku tanaasulaan cidii qaban laheyd, ama noqon laheyd Boqorka Saldanada Darood. Khilaaf, iyo isjiid jiid dheer kadib waxaa bilaabatay, in la isku hub gurto oo labada beelood ka dhex bilowda dagaal, madaama la xalin waayay khilaafki, iyo beeshii noqon laheyd Boqorka Saldanada Darood.

Waxaana bilbatay, in si gaar ah beel kasto ku caano shubato Boqorkii qaban lahaa Saldanada Daarood. Tasoo sare usii qaaday xaaladii ama khilaafkii markaa taagna. Beesha Howraarsame Amaanreer, waxa aay aheyd marka beesha ugu tunga weyn beelaha kale ee mareexan Sade, hadii aay noqon laheyd dhanka awooda, ama tira badnaashaha iyo dhinac kasta ee duunyo haba ugu sii badnaado, Geela, iyo Fardaha waana sababta loogu magac daray, Saldanadii Fardooleyda.

image 11 beesha howrarsame

Hadii xukun ama darajo timaado wey adagtahay, in la isku tanaasula, waayo waxaa isku tanaasuli lahaa, Qaabiil iyo Haabiil oo marka laba qof oo walaalo ahaa, waana caadada basharka, in qof kaste asaga isla jeclaado darajada ama xukunka.

Mudda laga jooga ilaa 400 ama 350 sano ka hor ama markii uu sanadka aha 1600, ama1700 inta u dhaxeyso waqti laga jooga. Waxaa la soo wariya tariikha kala duwan ee ku hareereysan dilka Boqor Maxamed Dauud, iyo in aay uu dilka u dhacay siyaabo kala duwan, lakiin dadka uruuriya tariikahaha Somaliyeed waxaa laga soo wariyaya in uu ku dhintal Boqor Maxamed Dauud hardan boqornimo iyo ku loolan awood qabasha xukun ee Saldandii Darood, iyadoo la soo wariyay mararka qaar in uu ahaa boqor Darood, lakiin la gaaray xiligii uu qaban laha ilmo Cali Amaanrer ama Howrarsame Amanrer, lakiin ay isku dayeen ilmo Raadamiir in aay sii dheereystan xukunka ama qof kale oo ayaga kamid ahaa ku wareejiyaan, arintaas oo uu aad uga caroodeen ama diiden beesha Howrarsame Amanreer, oo xaq u laha in aay qabtaan boqornimda Saldana Darood. intaa kadib maxaa dhacay.

Marka kadib, waxaa bilaabatay in laga dhex faa,iideysto labadan beelood ee walaalaha ah, oo hadana ku heshiin waayay, qabashada Boqornimada Daarood. Waxaana sitoos ah usoo fara galiyay beelaha kale, sida Harti ama Majeerteen oo marka ahaa cida ku xigta, ee la wareegi laheyd Boqornimada. Markii aay kasoo wareegto Saldanada ilmo Amaanreer. Lakiin waxay halka ka heleen fursad ah in xilga, aay kala wareegi karaan ilmo Amaanreer madaama aay ku heshiin la,yihiin, in aay kala wareegan Saldanada.

Waxayna qeyb ahaan kala safteen beesha Radamiir Amaanreer, in aay noqdaan Boqorka oo aay markaas u sharaxna hogaamiye Maxamed Dauud, oo ahaa suldaanka ama boqorka beesha Radamiir. Beesh howraarsame Amaanreer ayagana waxay ku caano shubeen suldaankoodii ay jeclaayen oo la oran jiray suldaan maxamed suldaan Amiir Garsuga, in uu noqda Boqorka Saldanada Darood. khilaafkii oo sii kordhay, iyo in markaas lagu kala caano shubtay, laba Boqor ayey beel kasta waxay bilaawday, in ciidamo aay kala sameystaan boqorkoodi aay ku caano shubtaan. Boqorkastana uu halkaa ka bilaabo xukunkii Saldanada Daarood. Tariikda sida aay xusto,

marka beesha Mareexan waxey ku baah sanaayen Bali, Nugaal illa dowlad deeganka Somalida halka loo yaqaano maanta. Waxaana sitoos ah u bilowday dagaalo fool ka fool ah oo labadan Beelood isaga soo horjeedan. Waxaa la sheegay in inka badan 10 dagaal oo aad u balaarna iskaga hor yimaaden, lakiin waxaa tariikhda galay, ama la xusa dagaalki uu ku geeriyooday hogaamiye ama boqor Maxamed Daauud, oo ahaa hogaamiyihii Beesha Raadamiiir Amaanreer. Dagaalka oo ka dhacay nugaal bari xiliga ayaa waxaa uu kusii fiday ilaa halka maanta loo yaqaan mudug.

Waxaana la sheega xasuuqi ugu badna ee qarnigaas in u dhacay xiligaa, madaama dagaal culus uu ahaa. Waxaana lagu dilay eebe ha u naxariiste hogaamiye ama boqor Maxmed Dauud ee beesha Radamiir amaanreer oo, aay aad u jeclaayen reer Raadamiir Amaanreer. Dilkaas iyo xasuuqaas foosha xuma, ee qarnigaa dhacay, waxaa la sheegay, in beesha Mareexan ku kala fogaaden oo aay ku kala tageen, oo qolaba meel u haajirtay. Waana xiligii ugu danbeysay, ee la xuso in midnimo Mareexan iyo in beesha Sade Darood wada yeelato, hadii aay noqon laheyd hogaan dhaqan, ama gole guurti. Marxuumki hogaamiye maxamed Daauud waxaa xiligaa lagu aasay. Bangeele ee dhaca gobolka Galgaduud.

image 12 beesha howrarsame

HOWRARASAME AMANRER

Madaama besha howraarsame Amaanreer lagu eedeyay in aay dileen dad badan ama xasuuq, oo uu ku dhintay, hogaamiye ama boqor Radamiir-na dileen, iyo in ka badan ilaa 1800 oo dad ahaa, ay ku dhinteen. waxey soo jeediyeen, in magdhow bixiso beesha Howraarsame Amaanreer. Madaama dhib badan dhacay. Soojeedinta waxaa soo jeediyaya beelaha kale ee Daarood. Haba ugu cad cadaadeena beelaha Harti ama Majeerteen.

Beesha saldanada howraarsame Amaanreer qeyb ahaan wey ogolaatay. in magta ama xuquuda lagu xukumay bixiyaan, lakiin waxay shuruud kaga dhigeen, in aay noqdaan ama qaatan Boqornimada Saldanada Daarod, balse Beesha Harti ama Majeerteen ayaa halka fursad ka raadisay, in aay qaadato Boqirnimada ayaa, soo jeedisay, in ilmo Amaanreer aysan noqon karin Boqor Darood, madaama aay dhiig ku daadiyeen oo aaysan noqon karin Boqorka Saladana Darood. Intaa kadib beesha howraarsame xukunkii lagu riday wey diiday, madaama la fulin waayay shurudihi, aay ku xireen, oo aheyd in wixii mag ah ee lagu xukumay bixiyaan, lakiin Boqornimadii qatan. Halkaas ayuuna ku bur buray shirkii guud ee dhex dhexaadinta, Inta kadib maxaa dhacay.

image 13 beesha howrarsame

Beeshii Hawraarsame Amanrer kibir ama awood sheegasho, waxay ahaydba waa aay diidday in aay bixisa magtii lagu xukumay ee Boqor Maxamed Daa’uud, kadib, halkii baa xukuno kale duwan lagu riday beesha howraarsame Amanrer. waxaana la sheega in aay gaarayeen ilaa 10. xukun oo kala culus. xukunka lagu riday waxaa ugu cusla in la dhaco beesha Howraarsame Amaanrer gu,giiba mar ilaa mudo 11 iyo toban jeer ah, oo laga dhaco wixii xoolo ama geel ah oo aay hasytaan. 2. in laga ilaaliyo in aay yeeshan wax awood ah ama quwad ciidan ah. 3. in laga ilaaliyo in aay helaan wax darajo ah ama xukun qabtaan. 4. in aan lala guurin oo macnaheedu tahay in hadii uu cadow kale soo weeraro aan loo gurman.

5. in aan loo guurin, oo macanaheedu tahy in aan lala dagin waana qeyb kamid ah cuna qabateyn ama takoorid. 6. madaama beesha Howraarsame Amanreer degaano badan degto in deeganada qaar lagala wareego. 6. daas qodob ayaa aad ugu cusla xukunada lagu riday beesha Howraarsame Amanrer. waxaana la soo wariaya in muda 7-jeer ah la dhacay beesha waana sababta aay ugu soo hayaanmeen gobolada dhexe oo aay ugu soo guuren gobolka Gedo oo aay marka ku noolayen gaalo madowdii xiliga jirtay.

Xukunadas dadka riday ee doorka weyn kulaha ama soo jeediyay waxaa kamid ahaa Harti gaar ahaan beesha Majeerteen ayagoo doonayay in aay hoos u dhigaan awooda muuqatay ee ay markaas laheyd beesha Fardooleyda Howrarsame Amanreer. inta kadib Saldanadiina labadaba waa laga dhex qaatay, tan iyo maantana dib uma soo ceshan. Inkastoo xukunka ama go,aankaas lagu riday beesha Howararsame Amanrer la isku khilaafay. Haddana ugu dambeyn waa la isla qaatay, marka laga reebo beelo kamid ah beelaha Mareexaan sade, oo si dadban u diiday xukunkaas.

waxaana beelahaas ay kala ahaayeen qaar kamid ah jifooyin Raadamiir ah, oo ah sida beesha Soonfure, Fiqiyacquub, iyo sidoo kale guud ahaan beelaha kale ee Mareexaan. Kuwaa oo kala ah Xasan Gaashireedle, Talxe Amaanrer iyo beesha awmidig. Sidoo kale beesha Facaye Sade oo Ina Sade aha baa guud ahaan aqbalin go,aankaas. Inkastoo Wagardhac u ahaa wiil naas la nuugay Hawraarsame Amanrer, oo la hooyo iyo la aabbe ahaa, haddana go’aanka beesha Majeerteen ay keentay wey ku kala qeybsameen iyaga iyo Celi Warwaajecel ayeyna ahaayeen labadii beelood ee aad ugu kala qeybsamey, madaama qaar ku raacen qaarka kalena diidanayeen.

intaa kadib beesha Howrarsame Amanreer waxay noqotay beel cadow badan yeelaty iyo naceyb kala duwan, iyagoo u kala guuray ama ukala hayaamay meelo badan oo kala duwan, waxaa lasoo wariaya qeybo kamid ah beesha in aay u hayaameen dhinaca iyo Ethiopia ilaa meesha maata loo yaqaano Bali, oo la sheego in aay u hayaameen beesha Howraasame Amanreer. waxaa jiray nin Sudaan ahaa oo ka talin jiray Bali ilaa Nugaal oo la oran jiray suldaan Sacaadu diin, oo xukumi jiray Bali ilaa Nugaal, in uu kasoo jeeday beesha boqortooyada Adan Saleeban, gaar ahaan in uu ahaa Baha Farax.

Waqtigaas oo cududdii Mareexaan ay daciiftay, baa reer Gashiishoor oo ah ina Hodanbari aha ka hayaamay deegaankii Sade Darood, wuxuuna u qaxay dhankaas iyo waqooyiga Sudan ilaa Eritrea, oo umadahaas ayuu ku dhex milmay. Dadka dhulkaas kunool ayaad ku arkaysaa ummada ku leh usuul Daarood baan nahay oo kasoo qaxay Waqooyi Bari Somalia. Sidaas si lamid ah Facaye Sade oo Mareexaan la siman hanti geel ahna uu Ilaahay ku mannaystay baa hayaamay, oo ka dhex baxay Mareexaan Sade iyo dagaaladii ka dhex bilowday owgii.

waxaa kaloo maanta jiro beelo ku aftirsado beelaha mareexan oo Ethiopa iyo Eretria ku nool kuwaa ilaa maanta ku arkeysid magacyada qabiilada beesha Mareexan Sade. waxaan kamid ah Amararhttps://en.wikipedia.org/wiki/Amarar_tribe 

Waxaa la soo wariyay in gabayo iyo suugaan lagu cabiri jiray wixii dhacdo ah ama colaad ah oo xiliyadii hore dhici jiray, waxaana dilka boqor maxamed dauud laga tiriyay gabay calaal ahaa iyo goodin isugu jiray xiliga oo xilga loo tiriyay Beesha Howraarsame Amanreer oo lagu muujinaya, dhibkii iyo xasuuqii aay xiligaas geysatay beesha Howraarsame Amaanreer, iyo magtii aay diideen ee lagu xukumay ee hogamiyihii aay jeclaayen beesha Radamiir, ama boqor Maxemed Daud laga tiriyay,

Sidaan ayuu gabayga ahaa:

HADAAN MAGTII MAXAMED DAA’UUD LAGAA DALDALINOO,

HADAADAN ALLAW DUNIDAAN YEEY DHAAFSHA BIDINOO,

HADAAN MAGACAAGA IYO SHARAFKAAGA DHIMANIN

HADAAN DAREEN ABADAN AHI DOOBIGAAGA NOQONOO,

HADAADAN DHIHIN XAGEE NABAD KA DOONAA

MU’DOOW U DIB-JIRINOO DAAROOD KAMA DHALAN,

HURDO SEEXDOO. DUG DHAHA.

ABWAANKI CALI AMANRER AMA HOWRARSAME AMANREER.

AYAA USOO JAWAABAY BEESHA RADAMIIR, IYO GABAYGII AAY KA SOO TIRIYEEN DILKII AAY HOWRAARSAME AMANREER DILEEN BOQOR MAXAMED DA,UUD. WUXUUNA YIRI.

BOQORKIISA BEESHI AAN BIREEYAY, EE BII, KA ORAN WEYDAY.

BEEGSI IIMA AHEYN, OO ANAA BUUR ISAGA ODAY.

OO ANIGA BILAABAHA MARIYAY, BOQORKII BARIDA WEYNA

WAR REER CALI AMANREER, WUXUU CIILAY BAA, CIIDAN CAFIMAAD LAGA WA.

OO MARKAN GABAY IN LA TIRIYA, CIIL BAX MIYUU NOQON.

CARUURAHA BOQORKII DHALAY, BA CABSHA DEYNEYN.

QAARBA CIDLADA YUURARA, OO CIIL KUSOO KORAY.

QAARBA ADUUNYADA CADIBAN, OO FARXAD CAWYNEYN.

QAAR BA AGOON CIILANOO, CIDI ISWEYDIIN.

QAAR BA CUDUR LAGA HELAY, IYO CIILKA HOWRAARSAME.

QAAR BA CALAACALAYA, OO CIDI U JAWAABEYN.

image 14 beesha howrarsame

Waqtigaas oo cududdii Mareexaan ay daciiftay, baa reer Gashiishoor oo ina Hodanbari ah ka hayaamay deegaankii Sade Darood, wuxuuna u qaxay dhankaas, iyo waqooyiga Sudan ilaa Eritrea, oo umadahaas ayuu ku dhex milmay. Dadka dhulkaas kunool ayaad ku arkaysaa ummada ku leh usuul Daarood baan nahay oo kasoo qaxay Waqooyi Bari Somalia.

Sidaas si lamid ah Facaye oo Mareexaan la siman hanti geel ahna uu Ilaahay ku mannaystay baa hayaamay, oo ka dhex baxay Mareexaan.Durriyadii Cali Amaanreer markay u adkeysan wayday dhaca joogtada ee beelaha Harti iyo qaar kamid ah beelaha Mareexan,iyo Daarood kale ay ku hayeen wuxuu miciin biday inuu kasoo hayaama dhulkii Ilaahay uu ku beeray, wuxuuna soo degay deegaan uu Booran iyo Gasaargude ka xoreystay. Hayaankaas waxaa kusoo sagootiyey sida taariikhdu ay qortay duqii qoyska Cali Dheere oo markaas tarmayey oo aad uga xumaa in Hawraarsame deegaanka ka guuro, maaddaama uu ahaa nin cudud iyo caqliba u ahaa walaaladiis kale.

Ogowna Cali waxaa dhalay Maxamad Daa’uud kaas uu dilalay nin ka mid ah beesha Hawraarsame Amaanreer. Markii duqii Cali Dheere uu ka joojin waayey odayaaashii Hawraarsame Amaanreer inuu ka dhaadhiciyo inay walaaladood ka fogaanin, wuu soo raacay lana soo gaaray gobolka Hiiraan, halkaasoo hayaankii uu uga haray. Muddo yar kadib waxaa hayaankaas ka daba yimid beelaha reer Xasan Gaashireedle, Uurmidig, Fiqi Yacquub iyo Talxe, waxaana la wada saldhigtay goobtii uu Howraarsame Amaanreer ka xoreeyey Booranta iyo Gasaargudaha, inkastoo Gasaarguduhu loo daayey xaruntii saldanadiisii ee Luuq kadib markii ay la heshiiyeen beelaha Xasan Gaashireedle iyo Hawraarsame Amaanreer, oo kula heshiiyey gobolka intiisa kale in Hawraarsame iyo Xasan ay leeyahiin Luuqna Gasaarguda, lagana wada difaaca Booranta.

waxaa la laxusa in hayaankii beesha Howraarsame Amaanreer garab socday hayaano kale oo aay kamid yihiin beelaha kale ee Somalida sida, hayaankii beesha Dagoodiye uu dhinac socday kan beesha , howraarsame amaanreer sidaasna ay dagaaladii lagu kiciyay Booranta iyo Gaalo madowda ay ka wada qayb qaateen. Dagaaladaasi waxay ahaayeen kuwo lagu hilboobay, waana kuwa sababay in Soomaalidu degaan ku yeelato halkaas. Mar ay Boorantu fadhi ku lahaayeen buurta u wayn degaanka ee la yiraahdo Humbaale ayay soomaalidii u soo tiriyeen tix iyaga oo leh :

Humbaale Humbaale, Humbaale af-wayne

Shuun oday waaye, Haddaad ood ka goyso,

 Aabaa iga dhaartay

Abwaanki reer naxar ee beesha Howrasame Amaanreer, aya ka soo jawabay gabaygii Booranta ama gaalo madowdii ayaa yiri : 

Humbaale Humbaale, Humbaale af-wayne,

Shuun oday waaye,Haddaad oon ku guurin,Aabaa iga dhaartay.

hadaan Booraney gadab kaaga jarin,

Amir Naxar Weydow ima dhalin

Taariikhdu waxay xustaa maaddaama Gasaarguduhu uu lahaa saldanad aad u wayn oo xarunna u ahayd degmada Luuq in Hawraarsame ay isfahan kuwada degeen gobolka oo markii hore dagaallo ba’an uu ku dhex mari jiray Booranta iyo Gasaarguduha.

Waxaa la sheegay markii hayaankii beelaha kale ee Mareexaan uu yimid in Gasaarguduhu u baqay saldanadiisii oo markaas ku aruursanayd magaalada Luuq Ganana oo keliya, wuxuuna kula taliyey Howraarsame Amaanreer inaan lasoo dhawayn raggan bariga ka yimid. Hawraarsamaha oo Ilaahay uu u hibeeyey dhiig iyo damqasho walaaleed wuxuu weerar ku qaaday saldanadii Gasaarguduha, kana eryay degmadii Luuq. Wuxuu Hawraarsame aad usoo dhaweeyey beelihii walaaladii ee hayaanka ku yimid. ama kudhaw lagu qayaasay markii laga jooga hayaankaas, baa waxaa yimid hayaankii beesha Cali Dheere,

Hawraarsamuhuna isagoo ka duulaya wanaaga odaygii beesha Cali Dheere, kana abaalgudaya wuxuu kusoo dhaweeyey deegaankii, welibana isku deegaan bay noqdeen isagoo Amaanreernimo udugsanayay. Tan iyo maantadan aan joogno, aabbaha Hawraarsamuhu wuxuu wiilkiisa baraa labo shey oo aad muhiim ugu ah shakhsiyadda Hawraarsamaha. Waana deeqsinimada iyo geesinimada. Hawraarsamahu waa beel aad u ballaadhan, degtana gobolada Gedo, labada Juba iyo Galgaduud.

Haddii ay tahay difaaca beesha Mareexaan, haddii ay tahay samafal iyo haddii ay tahay qaddiyad Mareexaan oo loo dhinta, intaba Hawraarsame wuxuu ahaa hormuudka Sade Daarood. Tani waa taariikh yar oo ku saabsan Saldanadii Hawraarsame Amaanreer iyo hayaankiisii Gedo iyo weliba sida uu ku baxay magaciisa.

XIGASHO: BOOGGA>TARIIKHDA SALDANADA DAROOD. 

QORE: ABWAAN MURSAL

lasoco qeybta xigta……..

ASXAABTADA LA WADAAG