
Xulka England oo loo tirinayey inuu ka mid yahay dalalka haysta saadaasha ugu badan ee ku guulaysiga tartanka dalalka Europe ee Jarmalka ka socda, waxa ay 30-ilbiriqsi ujirsadeen inay ka haraan Euro 2024.

Xulka England oo loo tirinayey inuu ka mid yahay dalalka haysta saadaasha ugu badan ee ku guulaysiga tartanka dalalka Europe ee Jarmalka ka socda, waxa ay 30-ilbiriqsi ujirsadeen inay ka haraan Euro 2024.
Waxa ay ku soo baxeen kaalinta koowaad ee guruubka C laakiin taasi kama dhigna inay ku jiraan waqti fiican, waayo saddexdii ciyaarood ee guruubyada waxa ay badiyeen hal mar oo ay gool iyo waxba uga adkaadeen Serbia, labada kulan ee kalana waxa ay bareejooyin la galeen Denmark iyo Slovenia. England saddexdaa kulan waxa ay ku dhaliyeen 2-gool oo kaliya oo ah tiro aad u yar marka loo eego ciyaaryahanada weerarka uga ciyaaraya sida, Harry Kane, Jude Bellingham, Saka, Foden, Watkins iyo Ivan Toney, oo dhammaantood goolal badan kooxohooda u dhaliyey xilli ciyaareedkii dhammaaday.
Xulka saddexda libaax u soo gudbidooda 16-ka ka dib, waxaa la filayey inay wax badan ka baddali doonaan sidii ay u ciyaarayeen kulamadii hore, laakiin taas waxba kama hirgelin; kulankii Slovakia ay la ciyaareen waxa uu isna ahaa mid kale oo ay liiteen gaar ahaana qaybtii koowaad, fursado badan ayaa lagu helay waxaana goolka koowaad ee kulanka daqiiqadii 25’aad ka dhaliyey Ivan Schranz