Madaxweyne Axmed Madoobe oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Jubaland
WARARKA MAANTA

Madaxweyne Axmed Madoobe oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Jubaland

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee deegaanada Jubbaland. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa daahfurka Imtaxaanka fasalka 8-aad oo Madaxweynahu uu ka daahfuray Dugsiga Hoose iyo dhexe ee Ganaane. Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sanadkan ayaa waxaa dhammaan deegaanada Jubaland ka galaya Arday gaaraysa 4,357 kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho GEDOLAND ONLINE

farmaajo 1 Farmaajo oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Ku Timid Gudoomiye Jawaari
WARARKA MAANTA

Farmaajo oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Ku Timid Gudoomiye Jawaari

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Geeridii ku timid Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Jawaari. Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Geeridii ku timid Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Jawaari. Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Waxaan murugada geerida la qaybsanayaa, tacsi tiiraanyo lehna u dirayaa qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Marxuumku waxa uu inta badan noloshiisa usoo adeegayey shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad dhiska dalkeenna. Waxa uu ahaa xeeldheere sharci oo xilal kala duwan ka soo qabtay laamaha dowladda tan iyo dowladdii dhexe ee dalkeenna, isaga oo guddoon ka noqday Baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan Allaah u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey. انا لله وانا اليه راجعون